U bood dhigaalka

Biyo La’aan Laga Soo Sheegayo Deegaanno Hoostaga Degmada Cadaado Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa waxaa ka jira biyo la’aan saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool deeganadaasi.

Cabdi Xoosh Cismaan, waa gudoomiyaha deegaanka Keyn ee gobalka Galgaduud, kana mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Cadaado, waxa uu sheegay in deegaankaasi ay ka jiraan xaalado biyo la’aaneed oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool halkaasi.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in deegaankaasi iyo kuwa ku dhaw aysan helin Seddaxdii Sano ugu dambeeyay roobab ku filan, taasina soo dedejisay biyo la’aanta jirta, maadaama dadka ay u badan yihiin kuwo Isticmaala Barkado.

“Biyo ma haysanno, wadooyinka wey xirmeen, nolosha ayaa ah mid adag, Seddax Sano roob ma da’in, dadkuna wey waayeen qarash ay biyo ku shubtaan haraad ayaana jira” ayuu yiri Gudoomiyaha deegaanka Keyn.

Sido kale gudoomiyaha ayaa sheegay in deegaankaasi aanay ka jirin Iskuullo wax lagu baro Ardayda iyo sidoo kale xarumo caafimaad oo dadka xanuunsan lagu daweeyo.

Ugu dambeyn ayuu gudoomiye Cabdi Xoosh Cismaan waxa uu ugu baaqay maamulka cusub ee Galmudug in deegaankaasi ay lasoo gaaraan gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News