U bood dhigaalka

Biyo La’aan Laga Soo Sheegayo Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Nugaal

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi.

Deegaannada Waqooyi bari ee gobolkaasi waxaa laga soo sheegayaa in biyo la’aan baahsan ay ka jirto, taasi oo dadka iyo duunyadaba saameyn ku yeelatay.

Waxaa jira dad u dhintay Harraad, kadib markii ay waayeen biyo, waxaana sidoo kale la tilmaamayaa in xoolihii ay iyaguna biyo la’aan darteed u dhammaanayaan.

Degmada Eyl ayaa kamid ah meelaha biyo la’aanta baahsan ay ka jirto, waxaana la sheegay in dadka ay la yihiin biyo ay Harraadka xitaa isaga baabi’iyaan.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan degmadaasi oo la hadlay Gobjoog News ayaa sheegay in xaaladda ay kasoo dari doonto haddii aaney dadkaasi helin  wax gurmad ah.

Abaartan ayaa kusoo noq-noqotay deegaannada Puntland, iyadoo xilli roobkii la filayey aaney u da’in sidii loo baahnaa.

Goobjoog News