U bood dhigaalka

Biyo La’aan Laga Soo Sheegayo Tuulooyin Ka Tirsan Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Biyo la’aan ayaa laga soo sheegayaa in xilligaan ay hayso dadka ku dhaqan Tuulooyin ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan tuulada lagu magacaabo Shaan.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Shabellaha Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa booqasho ku tagay Tuuladaasi, waxaana uu la kulmay shacab badan oo Biyo La’aan ka cabanaya.

Waxgaradka ku dhaqan Tuuladaasi oo wariyaheena uu la kulmay ayaa waxa ay u sheegeen in biyo aysan haysan hadii ay yihiin dadka ku nool Tuulada Shaan, islamarkaana deegaano fog fog ay biyaha ka keensadaan.

Waxa ay sheegeen dadkaan sidoo kale in baahida ugu weyn ay tahay Biyo ayna u baahnaan lahaayeen ceel si degdeg ah loogu qado.

“Waxaan u baahannahay in ceel degdeg ah loo qodo, waxaan diyaar la nahay dhulkii ceelka nalooga qodi lahaa, balse waa in dhankeena loo soo jeesto, lana arko baahida aan biyaha u qabno” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka Tuulada Shaan.

Ugu dambeyn dadkaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale cid walba oo wax awooda in ay lasoo gaaraan gurmad Biyo ah iyo sidii Ceel loogu qodi lahaa.

Goobjoog News