U bood dhigaalka

Biyo La’aan Laga Soo Sheegayo Xerada Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Biyo la’aan baahsan ayaa xilligan laga soo sheegayaa in ay ka jirto xerada Dhadhaab oo ay ku nool yihiin in ka badan 2kun oo qoys.

Afar maalin oo xiriir ah ayaa la sheegay in aanay biyo haysan dadka ku dhaqan xeradaasi, gaar ahaan kudhowaad 20 xaafadood oo xeradaasi ah.

Sababta biyo la’aanta keentay ayaa lagu sheegay kadib markii ay cillad soo wajahday ceelashii ay dadku biyaha ka cabi jireen.

Dadka ayaa biyo u raadsanaya saldhigga Booliiska ee xerada Dhadhaab, iyadoo aanay jirin meello kale oo biyo ka keenaan.

“Saddex maalin ka badan ayaa oon nahayaa, waxaan kala garan la nahay in ceelashii haleysan yihiin ama biyo xumi kale jirto, caagii 20ka Liter waxaa nalaga qaataa Shan Shilin Kenya, mana awoodno lacagtaasi” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka qaxootiga ku ah halkaasi.

Dadkan ayaa biyaha ku heli jiray si lacag la’aan ah, waxaana bixin jiray hay’ado samafal, iyadoo ay socdaan dedaallo ay hay’adaha ku doonayaan in lagu hagaajiyo ceelshan.

Goobjoog News