U bood dhigaalka

Biyo la'aan xoog leh oo soo wajahday deegano u dhow degmada Guriceel

Sheeko:Dalka

Xaalado adag oo dhanka biyaha ah ayaa laga soo sheegayaa in ay ka taagan yihiin goobo ku dhow degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Qoysas fara badan oo ku noolaa dhulalka miyiga ee degmadaasi ayaa ka soo hayaamay gudaha Guriceel kuwaas oo la daalaa dhacayo abaaro xilligani halkaa ka jira.

Xoolo u badan ari ayaa la il daran xanuunno ka dhashay biyo la’aanta ka taagan degmadaasi.

Madaxa arimaha bulshada ee degmada Guriceel Sheekh Cabdullaahi Warsame Faarax oo Goobjoog FM la hadlay wuxuu ka dhawaajiyay in xoolo ay ku le’deen abaarta arintaasi oo dadka saameyn xoogan ku yeelatay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sama falka ayuu u jeediyay in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka iyo duunyada ku nool Guriceel iyo nawaaxigeeda.