U bood dhigaalka

Biyo La’aanta Deegaanka Leego Ee Sh/hoose Oo Ka Dartay

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay iney ka dartay biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaankaasi iyo sidoo  kale deegaannada ku dhow.

Guddoomiyaha deegaankaasi Abukar C/laahi Isaaq oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay aad u adag tahay helitaanka biyo ay dadka cabaan, iyadoo sidoo  kale ay intaasi dheertahay saameynta abaarta.

Dadka qaar ayuu sheegay in biyaha ay ka helaan meelo fog, mararka qaarna loo keeno biyo aan nadiif ahayn.

Guddoomiye Abukar ayaa sidoo kale sheegay in abaarta ka jirta dalka ay sidoo kale dhankooda saameyn xooggan ku yeelatay oo ay ku baxeen dad iyo duunyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn guddoomiyaha deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose, Abukar C/laahi Isaaq ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo cid walbo oo wax awoodda iney gurmad biyo dhaamin ah iyo mid raashiin ahba u sameeyaan shacabka ku dhaqan deegaankaasi.

Goobjoog News