U bood dhigaalka

Biyo La’aanta Ka Jirta Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Mudug Oo Sii Korortay

Sheeko:Dalka

Degaanno ku yaalla gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto biyo la’aan aad u daran.

Degmada Hobyo iyo degaanno hoostaga ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee biyo la’aanta ka jirto, waxaana usii dheer xaalado kale oo dhanka nolosha ah.

Maamullada degaannadan ayaa u sheegay Goobjoog News in degaannadan ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo lala gaaro dadka shacabka ah iyo duunyada ku nool.

Guddoomiyaha degaanka Ceelguulla Cali-Baashi Aadan Cali ayaa sheegay in xaaladdu ay aad u daran tahay kadib markii ay dhacday biyo la’aan baahsan taas oo sababtay in xanuunno kala duwan ay ka dillaacaan halkaasi.

“Annaga madaxweynaheenna Galmudug waan ku wargelinnay codsigeena waana u sheegay baahiyaha degaannadaan ka jira, waxa weeye biyo nadiif ah ma lahan waxaana jira cudurro ka dhashay biyo wasaqeysan oo degaanka laga helo” ayuu yiri guddoomiyaha Ceelguulla.

Waxa uu sheegay in ay u baahan yihiin raashin, biyo iyo caafimaad si aysan degaanka uga dhicin in dadku ay ka guuraan.

“Waxaan codsaneynaa in lasoo gurmado oo dowladda Galmudug ay ina soo gaarsiiso gargaar bini’aadannimo” ayuu yiri mar kale guddoomiyaha Ceelguula Cali Baashi Aadan.

Marka laga soo tago degmada Hobyo iyo degaannada hoostaga waxaa iyana jirta isla degaanno kale oo isla gobalkaasi ka tirsan kuwaas oo ay ka jirto biyo yari dadka iyo duunyadaba saameyn aan fiicnayn ku yeelatay.

Goobjoog News