U bood dhigaalka

Biyo Wasaqeysan Oo Dhex Yaalla Wadooyinka Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug oo uu ka da’ay roobka xilliga guga ayaa hadana waxaa jira wadooyin badan oo magaaladaasi ka mid ah, islamarkaana ay dhex yaallaan biyo aad u badan misane wasaqeysan.

Saraakiisha caafimaadka ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in cabsi laga qabo in biyahaasi ay cuduro ka dhashaan, hadii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Bile Diini Cali oo ah duqa magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in biyaha ay ka dul mareen Musqulihii (Suuli), islamarkaana biyaha ay banaanka usoo saareen qashinkii Musqusha, halisna loogu jiro cuduro halkaasi dhasha.

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa ka hadlay xaaladda ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in dadka barakacayaasha ah aysan haysan nolol wanaagsan oo ku filan.

Ugu dambeyn Bile Diini Cali ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in gacan ay ka geysto sidii magaalada looga nadiifin lahaa, biyaha dhex ceegaaga, loona badbaadiyo caafimaadka dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Goobjoog News