U bood dhigaalka

Biyo Yari Iyo Adeeg Caafimaad La’aan Ka Jirta Deegaanka Ceel-huur Ee Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Deegaanka Ceel-huur ee gobalka Mudug ayaa laga soo sheegayaa xilligaan in ay ka jirto adeeg caafimaad la’aan iyo sidoo kale biyo yari aad u baahsan, taasi oo saameyn ku yeelatay dad badan oo shacab ah.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee maamulkaasi Cabdiraxmaan Maxamuud Cali ayaa u sheegay Goobjoog News, in xaalado badan oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay deegaankaasi.

Waxa uu tilmaamay in dadka qaar ay caafimaad u aadaan deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud, waxaana uu sheegay in taasi ay dad badan dhib ku tahay.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in biyo la’aanta ka jirta deegaanka ay kor usii kacday, islamarkaana Halkii Fuusto ee biyo ah la iibinayo lacag dhan 150-kun shilin Soomaali ah.

Waxa uu sheegay in hadda ay wadaan qodista Ceel-biyood, kaasi oo socday muddo Laba Sano ah, haddana la qoday 35 Mitir, islamarkaana dhulka oo adag Mitirkii la qodayo ugu yaraan Bil.

Qarashka ceelka lagu qodayo oo aad u qaali ah ayuu sheegay in aysan helin kaalmo lacageed, hadii ay ahaan lahayd dowladda Federaalka ama maamulo kale.

Goobjoog News