U bood dhigaalka

Biyo Yari Ka Jirta Deegaanno Ka Mid Ah Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Xaalad biyo yari oo aad u daran ayaa soo food saartay dadka iyo duunyada ku nool qaar ka mid ah deegaannada waqooyi ee gobolka Hiiraan, waxaana dadku ay u baahan yihiin gurmad biyo oo degdeg ah.

Deegaannada ugu daran ee biyo la’aanta ka jirta ayaa ah deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka mid ah Jiracel, Qabno, Garaas-xawaal, Libileey, Madax Maroodi, Takaraale, Beer-gadiid iyo deegaanno kale.

Maxamuud Xasuun oo ah guddoomiyaha deegaanka Beer-gadiid, waxa u u sheegay Goobjoog News in dadkani ay markii hore biyaha ka cabi jireen balliyada, maadaama aanay haysan ceel biyood.

Roobabkii oo sidii loo baahnaa u da’in ayuu sheegay Guddoomiyaha in biyo la’aantu ay sababtay.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in Halkii fuusto ee biyo ah la iibinayo lacag dhan 100 kun shilin Soomaali ah halka markii hore ka ahayd 40 kun oo shilin.

Deegaannada qaar dadku waxay uga baracakeen biyo la’aanta waxaana laga yaabaa in haddii dadkani aysan degdeg gurmad ku helin in xaaladda nolosha ay iska bedasho sida ay hadda tahay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaannadan biyo la’aanta ka jirta ayaa dowladda Federaalka, maamulka Hiiraan iyo ha’aydaha samafalka ah ka codsaday inay lasoo gaaraan gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah.

Goobjoog News