U bood dhigaalka

Biyo Yari Ka Jirta Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Biyo yaraan ayaa xilligaan waxaa soo wajahday dadka xoolo dhaqato ah oo ku sugan gobolka Sool kana soo hayaamay abaaro ka jira deegaanno ka tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Sanaag.

Ku dhowaad 300 oo xoolo dhaqato ay ayaa lagu soo waramayaa in hadda biyo la’aan ay ku haysato Bariga gobolka Sool.

Deegaannada ay dadka ku sugan yihiin malahan ceelbiyood, waxay halkaasi usoo raaceen oo kaliya roob ka da’ay.

Maxamed Maxamuud Cabdi waxa uu ka mid yahay dadka xoolo dhaqatada ah ee ka tagey gobolka Bari, waxa uu ku sugan yahay gobolka Sool isaga oo sheegaya in hadda halis ugu jiraaan xoolahooda iney biyo la’aan u dhintaan.

“Dadka xaaladooda aad bay u adagtahay, xoolihii biyo la’aan bay u dhammaan rabaaan, waxaan idiin sheegayaa in biyaha Baraago laga cabi jiray, balse baraagihii ay hadda gabaaabsi yihiin” ayuu yiri Maxamed.

Badi dadkaan ma awoodaan iney iska bixiyaan lacag ay biyaha isaga bixiyaan, waxaana ay ku baaqayaan in gurmad biyo ah lala soo gaaro.

Gobolka Sool waxaa ka jiray muddooyinkaan dambe abaar baaahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News