U bood dhigaalka

Biyo Yari Laga Soo Sheegayo Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in biyo yari baahsan ay ka jirto magaaladaasi, iyadoo dhanka kale sare u kac uu ku yimid qiimaha la kala siisanayey biyaha.

Dadka ku dhaqan Baydhabo ayaa fuustadii biyaha waxay hadda ku iibsadaan lacag dhan 50 kun oo shilin Soomaali ah, waxaana magaalada oo dhan ka shaqeeya Hal ceel.

Waxaa la arkayaa dhammaan gaari dameerada qaada biyaha oo safaf dheer ugu jira ceelka kaliya ee ka shaqeynaya Baydhabo, iyadoo laga yaabo in Saddex saac ay ku qaadato safkaasi.

Ceelkan kaliya ee ka shaqeynaya Baydhabo ayaa isna la sheegayaa inuu biyo yareeyay, taasi oo walwal kale keentay.

Aadan Xasan Maxamed, waa wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha K/galbeed, wuxuu Goobjoog News u sheegay in biyo yaraanta Baydhabo sabab u tahay abaaraha soo noqnoqday.

Wuxuu sheegay wasiirka iney rajeynayaan in sanadkan 2018 ay qodaan ceelal badan iyo biyo gelin.

“Abaaraha ayaa keenay biyaha yaraaday, waxaan wadnaa qorsheyaal aan ceelal ku qodi doonno, sidoo kale waxaan rajeyneynaa in biyo gelin sameynno waqti dhow” ayuu yiri wasiir Aadan.

Shacabka ku dhaqan Baydhabo ayaa hadda dhibaato ku qaba helista biyo nadiif ah, waxaana walwalka ugu weyn yahay in ceelka kaliya ee shaqeynaya uu guro.

Goobjoog News