U bood dhigaalka

Bloomberg: 800 Milyan oo Qof oo Shaqadooda Ku Waayi Doona Robot Sababtii Marka La Gaaro 2030

Warbixin cusub oo uu soo saartay joornaalka caanka ah ee “Bloomberg” ayaa lagu sheegay iney suurtogal tahay in 800 milyan oo shaqaale oo dunida daafaheeda ka shaqeeyaa ay weyn doonaan shaqadooda sababta robot iyo aalado smarts ah oo shaqada kala wareegaya marka la gaaro sanadka 2030, waana shan meelood oo meel 1/5 dadka hadda shaqeeya ee adduunka.

Daraasad ay dhawaan sameysay qeybta cilmibaarista ee shirkada McKinsey & Co oo Arbacadii shalay la faafiyay ayaa lagu sheegay in dowladaha horumaray iyo kuwa soo koraya ay si weyn u saamayn doonto shaqo la’aantu, gaar ahaan shaqaalaha warshadaham, kuwa raashinka fudud diyaariya iyo shaqaalaha maktabadaha ayaa ah dadka ugu badan ee dhibaatadan ay saameyn doonto si dhakhsiyo ah goobaha shaqada.

Daraasad mac’hadka Mckinsey ee caalamiga ah ayaa tilmaantay iyadoo ay  jirto in si gaabis ah robot-ka ay u faafayaan; ayaa hadana la filayaa in 400 milyan oo shaqaale ah ay is arkaan iyagoo baagamuundo ah waxayna u baahan doonaan in shaqooyin cusu oo ka duwan xirfadooda ay raadsadaan  13sano ee soo aaddan.

Shaqaalahaasi ayaa ay lagama maarmaan tahay iney bartaan xirfado la jaanqaadi kara dabeecadda nolosha iyo xirfadaha suuqa shaqada sida aadka ah loogu baahan yahay.

Michael Shwe oo ka mid ah dadkii daraasaddan sameeyay ayaa yiri: “Waxaa lagu khasbanaan doonaa in xirfado cusub la barto xilliga soo aaddan.”

Goobjoog News