U bood dhigaalka

Bog Cusub Oo U Furmay Xiriirka Itoobiya Iyo Eritrea

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta oo isniin ah Magaalada Asmara waxa ay kula saxiixdeen heshiis lagu magacaabo heshiiska Asmara, kaasi oo lagu daahfurayo bog cusub oo ay yeelanayaan xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyay intii uu socday kulankooda in la soo celiyo xiriiraadkii iyo in dib loo bilaabo safarada cirka ee labada dhinac.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa sidoo kale isku afgartay in si wadajir ah loo horumariyo dekadaha, iyo furidda isku socodka xaduudaha labada wadan, heshiiska Asmara waxaa qeb ka ah in Itoobiya ay ka baxdo goobaha ay gacanta ku heyso sida ay sheegeen ilo wareedyo.

Heshiiska Asmara ayaa imaanaya maalin ka dib markii ay kulmeen labadan hoggaamiye waxayna ku heshiiyeen in la soo afjaro dhibaatada Milatri oo socotay in ka badan 17 sano.

Goobjoog News