U bood dhigaalka

Boko Haram oo Dhulka La Simay Tuulo Ku Taalla Waqooyi Bari Dalka Nigeria

Sheeko:Caalamka

Kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria ayaa weerar ku qaaday tuulo ku taalla waqooyi bari dalkaas, waxayna u geysteen boob iyagoo ugu dambeyn gubay guriyihii oo dadkii iska lahaa ay ka carareen.

Tuulada Goptari oo ah tuulada dhibaatadu ka dhacday ayaa  waxay 10 Km u jirtaa magaalada Chibok ee gobolka Borno, halkaas oo kooxda Boko Haram ay horey uga afduubteen 200 oo arday bishii April 2014.

Samson Paulus oo dagan goobo daris la ah tuuladan dhibaatada loo geystay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay ; ” Kooxdu waxay soo weerareen tuulada iyagoo wata hub culus, taas oo ku kalliftay dadkii tuulada iney u cararaan deegaannada kale ee dariska la ah, waxay boobeen guryihii iyo goobihii ganacsiga, waxay dheceen waxii raashin iyo xoolo ahaa, kadibna waxay dab qabadsiiyeen tuuladii oo ay gabi ahaanba gubeen”.

Mid ka mid ah dadkii tuulada oo lagu magacaabo Luka Damina ayaa isna yiri; “Ciidanka Nigeria ee dagganaa magaacada Chibok way u babac dhigi waayeen weerarrada ay soo qaadeen dagaalyahannada Boko Haram, ciidanka waa laga adkaaday oo waxayna laga qabsaday mid ka mid ah gawaadhida dagaalka”.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijinayana in ciidanka Nigeria ugu yaraan laga dhaawacay hal askari, rasaas isweydaarsi ay la galeen kooxda Boko Haram.

Bishii hore ayaa 8 qof lagu dilay tuulo 30 Km dhanka bari ka xigta tuuralada Chibok, iyadoo bishii August-na 10 qof lagu dilay tuulo kale oo la yiraahdo Kubrivu oo daris la ah tuuladaas.

Goobjoog News