U bood dhigaalka

Boko Haram oo Sii-deysay 13 La-heystayaal Ah

Sheeko:Dalka

Kooxda Boko Haram ayaa sii deysay illaa 13 la-heysatayaal ahaa, kuwaas oo ay sanadkii hore ay ugu qafaasheen waqooyi beri dalka Nigeria.

Dadka la sii daayey waxaa ku jira 10 haween ah, waxaa lagu qabtay weerar ka dhacay xero booliis iyo qaar kale oo la afduubtay iyada oo saliid baaraya.

Madaxweynaha Nigeria  Maxamed Bukhaari ayaa sheegay in howsha sii-deynta ay gacan ka geysatay hey’adda laan-qeyrta cas,

Hey’adda qoraal ay soo saartay in ay dhex-dhexaadineysay howsha maxaabiis wareejinta balse wada hadalka aaney qeyb ka aheyn.

Goobjoog News