U bood dhigaalka

Boob Loo Geystay Xarumo Ganacsi Oo Ay Soomaali Ku Lahaayeen Koonfur Afrika

Sheeko:Dalka

Burcad Madow Koonfur Afrikaan ah ayaa lagu soo waramayaa in ay boob xooggan kula dhaqaaqeen dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Boobkan ayaa ka dhacay deegaanka Soweto ee magaalada Johannesburg , waxaana la boobay dhowr dukaan, sidey inoo sheegeen ganacsato ku sugan halkaasi.

Boobkan ayaa yimid kadib markii ganacsade Soomaaliyeed ay isku dhaceen shaqsi la sheegay inuu wax ka iibsanayey, taasina ay keentay iney ka caroodaan dadka deegaanka, sidaasina lagu boobo ku dhowaad Boqol Dukaan.

Dukaamada la boobay waxaa ku jira kuwo ay leeyihiin ganacsato Itoobiyaan ah, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah ganacsatadaasi.

Soomaalida ganacsiga ku haysta dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan dhibaato kala kulma dadka madowga ah ee u dhashay dalkaasi, waxaana mararka qaar ay la kulmaan weeraro sabab dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoog News