U bood dhigaalka

Booliis Afka Ka Xiran Oo La Dhigey Isgoysyada Muqdisho Cabsi Laga Qabo Dibad-baxa

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka isgoysyada magaalada Muqdisho lagu daadiyey ciidamo booliis ah oo afka ka xiran, kuwaas oo aad u hubeysan.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli la filayo in uu magaalada ka dhacdo dibad-bax weyn oo la sheegay in lagu cabirayo cabashooyin badan.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka digay banaan baxyo la hadal hayay inay ka dhacaan magaalada Muqdisho, kaasoo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale culimo iyo shakhsiyaad taageera dowladda ayaa iyagana ka digay dibad-baxan aan la ogeyn cidda abaabuleysa.

Goobjoog News