U bood dhigaalka

Booliiska Afgooye Oo Sharaxay Howlgallo Ay Ka Wadaan Degmadaasi

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliiska ee degmada Afgooye ayaa faah faahiyey howlgal ballaaran oo 48-kii saac lasoo dhaafay ka wadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

C/qaadir Cismaan Mursal oo ah taliyaha saldhigga Booliiska degmada Afgooye ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in howlgallada yihiin kuwo amniga lagu sugayo.

Waxa uu sheegay iney ciidamada ka hortageen weeraro dhanka Al-shabaab kaga yimid, ammaankana hadda yahay mid wanaagsan.

“Annaga waan iska caabinnay weeraro Al-shabaab soo qaadeen, sidoo kale waan fashilinnay weerarada qaar, ammaanka aad ayuu u wanaagsan yahay, waxaana baacsaneynaa inta ka hartay kooxda naf la caariga ah” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale, taliye Mursal ayaa sheegay iney jiraan dad ay kusoo qabteen howlgalladii ay ka sameeyeen magaalada Afgooye, kuwaasi oo baaritaan lagu wado.

Afgooye ayaa maalmihihii ugu dambeeyey waxaa ka jiray falal amniga wax u dhimayey, iyadoo Al-shabaab ay magaaladaasi ka geysteen qaraxyo iyo weeraro.

Goobjoog News