U bood dhigaalka

Booliiska AMISOM Oo Mootooyin Dheereeya Ku Wareejiyay Ciidamada Ilaalada Wadooyinka

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska ee AMISOM ayaa maanta 10 Mooto oo kuwa dheereeye ah waxay ku wareejiyeen taliska Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Ilaalada wadooyinka.

Anand Pillay oo ah taliyaha ciidamada Booliiska AMISOM ayaa isaga oo wareysi siiyay Goobjoog News, waxa uu sheegay in deeqdaan Mooto ee ay ku wareejiyeen Booliska Soomaaliya ay waxtar u leedahay sugidda amniga iyo baacsiga gaadiidka hareer maraya sharciga.

“Booliiska Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in la tababaro, ama awoodooda kor loo qaado, mid ka mid ah howlaha horyaalla waxaa ka mid ah maareynta nabad galyada wadooyinka, taas oo Soomaaliya marka loo eego u baahan in laga dhiso, tusaale Muqdisho waxaa ku badan gawaarida, marka waxay u baahan yihiin in la xakameeyo, Mootooyin badan oo si xowli ah ku isticmaalaya wadooyinka Muqdisho ayaa jira, Taraafikadana waxay u baahan yihiin in laga dhiso sidii xal loogu heli lahaa” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha Aayeeynu weydiinnay, in mootooyinka kaliya ay ku caawinayaan ciidamada Ilaalada wadooyinka mise uu jiro qaabab kale oo ciidamadaasi ku caawinayaan.

“Sida marka hore aan u sheegnay waxaa jira qorsheyaal lagu dhisayo awoodda Booliiska iyo Taraafikada oo loo baahan yahay in si guud iyo si gaar ahba loo tababaro, qibradda nagu jirto waxaan la wadaageynaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, si ay uga shaqeeyaan magaalada Muqdisho, dhibaatooyinka mararka qaar ka dhaca wadooyinkana looga hortago”

Dhanka kale Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa mahadcelin ka dib sheegay in Mootooyinkaan ay si wanaagsan ugu shaqeyn doonaan ciidamada Taraafikada, waxaana uu tilmaamay in muhiimad badan u leeyihiin ciidamada Ilaalada wadooyinka xilliga ay ku guda jiraan howlaha Nabad galyada wadooyinka.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxaa la gudoonsiiyay qalab loogu adeegayo nabad galyada wadooyinka, waxay ahaayeen qalabkaasi Mootooyin loogu tala galay in ciidanka Nabad galyada wadooyinka Boliiska Soomaaliyeed ay ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, qalabkaasi waa qalab fudud, waa Mootooyin, waxay ka fuduyihiin gaadiidkii baabuurta ahaa ee horay uga shaqeyn jiray nabad galyada wadooyinka, waxaa timid baahi ah in la helo Mootooyin, Midowga Afrika waxay noogu deeqeen 10-kaan Mooto” ayuu yiri Taliye Mukhtaar.

Mootooyinkaan ayaa wax badan ka bedali doona shaqooyinka ay magaalada Muqdisho ka hayaan ciidamada ilaalada wadooyinka.

Goobjoog News