U bood dhigaalka

Booliiska B/weyne Oo Maanta Lacago Mushaar Ah La Siinayo

Sheeko:Dalka

Sanado badan kadib, maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in mushaarkooda ay helaan ciidamada Booliiska magaalada B/weyne oo xuquuqdooda ay ka maqneyd.

Waxaa magaalada B/weyne ka socota munaasabad ballaaran oo lagu doonayo in ciidankaan lagu siiyo Mushaarkooda.

Lacagta la siinayo ciidamadan ma ahan mid ka timid dowladda dhexe, hase ahaatee waxaa laga bixinayaa canshuuraha uu maamulka gobolka Hiiraan qaado.

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ah guddoomiyaha gobolkaasi ayaa sheegay in lacagaha la siin doono ciidamadan ay canshuur ahaan u bixiyeen shacabka B/weyne.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in aanay cid kale ku tashan doonin, oo reeer Hiiraan waajib ka saaran yahay in ciidankooda taakuleeyaan.

Goobjoog News