U bood dhigaalka

Booliiska B/weyne Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhacay Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyey qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaaladaasi, kaasi oo geystey khasaare badan oo soo gaaray dad shacab ah.

Cali Dhuux Cabdi oo ah taliyaha Booliiska B/weyne oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.

Wuxuu tilmaamay taliyaha in dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi u badan yihiin dad shacab ah, islamarkaana dhaawaca ugu daran yahay qof lug ka jabay.

“Nimanka Bamkaa soo tuuray waxay soo dhex istaageen meel shacab ah, waxaana ciidanka ay ku raad joogaan dadkii Bamka soo tuuray, 7 qof ayaa ku dhaawacantay, waxaana dadka dhaawacmay ugu daran nin Lug ka jabay” ayuu yiri Taliyaha.

Taliye Dhuux ayaa ku baaqay in shacabka B/weyne ay ciidamada amniga kala shaqeeyaan howlgallada lagu sugayo amniga islamarkaana ka dhan ah cid walbo oo amni darro wadda.

Goobjoog News