U bood dhigaalka

Booliiska Cadaado Oo Gacanta Ku Dhigey Haweeney Gowracday Gabar 7-sano Jir Ah

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigey haweeney  la sheegay iney gowracday gabar 7-sano jir ah.

Taliyaha saldhigga Booliiska degmada Cadaado Gaashaanle Xuseen Cumar Muumin oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in haweeneyda wax dishay lagu magacaabo Nasteexo Axmed Cali Xirsi, islamarkaana gabadhaasi ay gowracday, lafaheeda jejebisay, kadibna jawaan ay ku riddey.

Gabadha 7 jirka ah ee la dilay ee sida xun loo diley waxaa magaceeda uu ku sheegay taliyaha Ridwaan Cali Diiriye isaga oo sheegay iney wadaan baaritaanno.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in xabsiga ay dhigeen seygii haweeneyda wax dishay, wuxuuna sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan caafimaad qabta haweeneydaan.

“Waxaan wadnaa baaris, markii aan weydiinnay sababtii ay gabadhaasi u disheyna waxay sheegtay in caruurta ay ka dili jirtay, laakiinse waxaan wadnaa baaritaan, waxaana lasoo xirney seygeedee oo habeenkii gabadhaashi gurigiisa lagu dilaayey goob jog ahaa” ayuu yiri Taliyaha.

Dhanka kale Taliye Muumin ayaa ugu baaqay shacabka degmada Cadaado in xaaladda ay qaboojiyaan, islamarkaana ay ka war sugaan baaritaanka socda.

Dhacdadan ayaa noqotay mid ay aad u hadal hayaan shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana markii falkaan uu dhacay ay qaar kamid ah shacabka degmada Cadaado buuq ka sameeyeen xaafadda falkaan uu ka dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News