U bood dhigaalka

Booliiska Degmada Afgooye Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Isbaaro Dhiganayey

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee degmada Afgooye ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo ay ciidanka amniga ka sameeyaan degmadaasi, kuwaa oo looga hortagayo falalka amniga kahor imaanaya.

Taliyaha Booliiska degmadaasi Cilmi Maxamed Cismaan oo la ahadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah dadka amni xumada wada.

Waxa uu sheegay in shalay ay soo qabteen rag Isbaaro dhiganayey degmadaasi, kadib howlgal ay ciidanka Booliiska sameeyeen.

“Ciidamada ammaanka waxay sameeyeen howlgal amniga lagu xaqiijinayo, waxay ciidanka soo qabteen Labo nin oo isbaaro dhiganayey sharciga ayaana la marsiin doonaa” ayuu yiri taliyaha.

Amni ahaan degmada Afgooye maalmihii ugu dambeeyay waa ay kasoo rayneysay, waxaana habeen iyo maalin howlgallo ka wada ciidanka Booliiska ee dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News