U bood dhigaalka

Booliiska Degmada Cadaado Oo u Gadoodey Mushaar La’aan

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliska Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Ciidamo Gadoodsan ay xirteen saldhigga Booliska ee Degmadaasi.

Taliye Ku Xigeenka Booliska Degmada Cadaado Dhame Cumar macallin Cali oo u waramay Goobjoog News, ayaa ku sheegay sababta ay ciidamadu Saldhigga ay tahay mushaar la’aan bilihii ugu dambeeyay ay la kulmeen.

Waxaa uu sheegay Taliye Ku xigeenku in muddo aysan ciidamadu wax mushaar qaadan taasina ay ka dambeysay inay gadood sameeyaan oo ay saldhiga la wareegaan.

“Ciidamada Booliiska Galmudug illaa iyo hadda wax mushaar ah ma helin, Afar Sano ayaa la joogaa, cid xuquuqdeenna meel saartay ma aragno, ciidanku markii ay gadoodeen bay saldhiggii xirteen” ayuu yiri taliye ku xigeenka.

Arintaan ayaa imaneysa wax yar un kadib markii uu is casilay madaxweynihii Maamulka Galmuudg C/kariin Guuleed.

Todobaadkii tagey, sidan oo kale ciidamoka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa gadood ka sameeyey magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay cabasho ka muujiyeen mushaar la’aan.
Goobjoog News