U bood dhigaalka

Booliiska Galmudug Oo Kan Puntland Ku Wareejiyey Maxaabiis Iyo Gaari Lasoo Dhacay

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ee maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka sameeyay howlgal ay ku baadigoobayeen dad falalka amni darrada ah inta badan ka geysta gudaha magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa intii ay howlgalkaan wadeen ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen illaa Saddex qof oo rag ah iyo sidoo kale gaari ay wateen, kuwaasi oo lagu eedeeyay iney dad shacab ah oo ku sugan Gaalkacyo ay dhac iyo boob u geysteen.

Dadkan gacanta lagu soo dhigey ayaa la sheegay iney kasoo kala jeedaan maamullada Puntland iyo Galmudug oo wada maamulka magaalada Gaalkacyo.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska ee Galmudug Cabdi Jaamac Cabdille ayaa saxaafadda u faah faahiyey howlgalkaan ay ciidamada Galmudug sameeyeen, waxayna dhanka kale ciidamada Booliiska ee Puntland ku wareejiyeen raggii la sheegay iney Puntland kasoo jeedaan.

Waxa uu sheegay Taliyaha in raggan ay gaari kasoo dhaceen dhanka Puntland, ayna kusoo dhuumaaleysteen dhanka Galmudug, balse iskaashi la sameeyay kadib ay ciidanka Galmudug soo qabteen raggaan iyo gaarigii ay soo dhaceen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa halkaan lagu wareejinayaa Saddex maxbuus oo soo dhacay baabuur oo dhinaca Puntland kasoo dhacay, Saddexda maxbuusna ay kala yihiin nin Galmudug ah iyo Labo Puntland ah, ahna tuugo ka dhaxeysa dadka Labada dhinac, dadka noocaasi ku adeegta ah oo isku xiran, islamarkaana tuugo ah, wixii halkaan laga dhaca xagga geeya, wixii halkaasi laga soo dhacana halkaanna keena, ciidamada Booliiska ayaa soo qabtay, saldhigga ayaa la keenay, saakayna waxaa lagu wareejinayaa dhinaca Puntland, taliyaha qeybta ayaan ku wareejineynaa, midka Galmudugna xabsiga ayaan ku reebnay, kolley  isagana maxkamad baan soo taageynaa” ayuu yiri taliye Cabdi Jaamac.

Dhinaca kale taliye ku xigeenka ayaa ugu baaqay ciidamada Booliiska Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug iney u istaagaan  in shacabka ay ka qabtaan cid walbo oo sidan dhib u wadda ayna yeeshaan mar walbo wada shaqeyn sidan oo kale ah.

Goobjoog News