U bood dhigaalka

Booliiska Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gadiid Ay Ku Howlgalaan

Sheeko:Dalka

Munaasabad lagu soo bandhigayey 11 gaari oo loogu talagalay iney ku shaqeeyaan ciidamada Booliiska Galmudug ayaa lagu qabtay magaallada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Waxaa munaasabadaan ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, maamulka degmada Cadaado iyo mas’uuliyiin kale, waxaana gaadiidkaasi lagu wareejiyay gaadiidkaan mas’uuliyiinta gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdi Xuseen Sheekh Maxamuud oo ugu horeen halkaasi ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay meelaha loogu tala galay inay ka howlgalaan gaadiidkan.

Wuxuu sheegay in gaadiidkaan loogu shaqeynayo maamulka Galmudug, ayna ka shaqeyn doonaan degmooyin ay ka mid yihiin Cadaado, Godinlabe, Baxdo, Caabudwaaq, Balanballe, Dhabbad, Xeraale, Bandiiradley, Gelinsoor iyo kuwo kale.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in ciidanka Booliiska Galmudug ay helaan gaadiid ay bulshada ugu adeegaan.

Waxa uu kula dardaarmay maamullada lagu wareejiyay gaadiidkaasi in ay ka taxaddaraan ammaanada loo dhiibay oo sidii loogu tala galay loogu adeego bulshada ay madaxda u yihiin.

Gaadiidkaaan ayaa qeyb ka ah gaadiid Taliska Booliiska Soomaaliyeed horay ugu deeqay qaar ka mid ah maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Goobjoog News