U bood dhigaalka

Booliiska gobalka Bari oo gacanta ku dhigay askar ku eedeysan dilka wiil dhalinyaro ah oo Boosaaso ka dhacay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska ee gobalka Bari maamulka Puntland, ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Laba ka mid ah ciidamada maamulkaasi kuwaa oo loo haysto in ay ka dambeeyeen dilka wiil dhalinyaro ah oo xalay Bartamaha magaaladaasi ku dhintay.

Taliyaha qeybta Booliiska gobalka Bari Gaashaanle Sare Cabdi Xakiin ayaa u sheegay Goobjoog Fm in askartaan loo haysto rasaas ay fureen xilli ganacsade lagu dilay Boosaaso, waxaana ku dhintay rasaastaasi wiil dhalin yaro ah.

Ragaan ayuu sheegay hadii falkaan uu ku cadaado askartaan in si deg deg ah loo soo taagi doono maxkamad, islamarkaana wixii sharciga qabo lagu xukumi doono.

Dhanka kale Taliyaha ayaa sheegay in hadda ay wada hadal kula jiraan Odayaal dhaqameed ka socda dhanka wiilkii xalay dhintay oo ay arimahaan kala hadli doonaan.

Halkaan hoose ka dhageyso Wariyaheena gobalka Bari oo arimahaan sharaxaad ka bixinaya.

Goobjoog News