U bood dhigaalka

Booliiska Gobolka Banaadir Oo Beeniyey In Ciidankooda Lacag Laaluush Ah Ka Qaataan Dadka Iyo Gaadiidka

Sheeko:Dalka

Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa been abuur ku sheegay warar sheegayey in ciidamada Booliiska ay lacago laaluush ah ka qaataan dadka iyo gaadiidka dadweynaha ee gobolka.

Bishaar Abshir Geeddi oo ah taliyaha Booliiska gobolka Baanaadir oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in waxbo kama jiraan ay tahay in ciidamo ka tirsan Booliiska ay lacago laaluush ah ka qaadaan gawaarida dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Wax uu tilmaamay inay tahay arrinta mid u baahan in la xaqiiajiyo laakiinse waxa uu go’aan degdeg ah ku qaatay in waraakaasi yahay mid xaqiiqda ka fog.

“Wax jiro ma ahan warkaan, waxaan u baahanahay inaad keento goobta ay ka dhacdo cidda sameysay caddeynteeda adiga ayaan kaa sugaa, haddii laga hadlaayo ma aqaan ciidanka hoggaan ilaalinta canashuuraha oo shaqaduuda tahay inay la shaqeeyaan wasaaradda maaliyadda, waxaa dhici karta in wasaaradda maaliyadda iyo hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo shaqada ay umadda u hayaan isaga kaa darmi karaan shaqada nidaamka ah iyo ciidanka Booliiska gobolka Banaadir oo amniga shaqadooda tahay, taasi waxay u baahan tahay inaad soo kala saarto” ayuu yiri Taliyaha.

Arrintan ayaa waxay saameyn wanaagsaneen ku yeelatay wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo qaarkood inoo sheegay in haddii aysan lacag dhiibin aysan isticmaali karin wadooyinka qaar.

Goobjoog News