U bood dhigaalka

Booliiska Gobolka Banaadir Oo Qabtay Rag La Sheegay In Shacabka Ku Isbaareysanayeen Hub Been Abuur Ah (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay rag la sheegay in ay dadka ku dhacayeen hub been abuur ah, waxaana laga soo qabtay degmada Hilwaa.

Taliyaha ciidanka Booliiska ee gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre (Gaab) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in raggan lagu soo qabtay dadaal ay sameeyeen ciidanka qeybta bari gaar ahaan kuwa saldhigga degmada Hilwaa.

Waxaa saxaafadda loo soo bandhigay Taleefanno gacanta ah oo badan, bistoolad been abuur ah, iyo gaari ay wateen.

“Waxaad aragtaan dadaalkii ay sameeyeen ciidanka qeybta bari gaar ahaan saldhigga Hilwaa, shaqadii ay qabteen waxqabadkii kasoo baxay, waxaad aragtaan Mobillo dadkii iskalahaa si xoog ah looga soo qaaday, qaarkood lagu waxyeeleeyay waa dhac cilmiyeeysan, niman xaragoonaya oo gaari wata oo qof adeeganaya ama arday ka qaadanaya Taleefanka uu wato, waxaad garan kartaa dhibaatada ay ku yihiin ammaanka magaalada Muqdisho, dadka shacabka ah oo qeylinaya annaga ma seexan karno, dadkii waxaa dhibaateynaya kuwaan oo kale” ayuu yiri Taliye Cali Gaab.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in hadda ay u gudbin doonaan Labadaasi qof sharciga oo wax laga qaban doono.

“Waxaa hadda loo wadaa sharciga oo wax ka qaban doona waxaa kasii fiicnaan lahayd in gacmo jaris ay jirto, saxaafadda sharafta leh waxaan ka codsaneynaa in arrintaan laga kaalmeeyo ciidanka Booliiska” ayuu hadalkiisa ku daray Taliye Cali Gaab.

Ciidamada Booliiska ayaa maalmahan dambe waxay magaalada Muqdisho ka wadeen howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo.

IMG_7101 IMG_7117 IMG_7124 IMG_7141 IMG_7092 IMG_7095

Goobjoog News