U bood dhigaalka

Booliiska Gobolka Banaadir Oo Wada Shaqeyn Ka Dalbaday Shacabka

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska.

Taliyaha ayaa sheegay in shacabka Muqdisho looga baahan yahay in Booliiska ay kala shaqeeyaan sugista amniga guud ee gobolka Banaadir.

Waxa uu taliye Geeddi sheegay in suuragal ay noqon karto in la xiro qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho, sababo la xiriira doorashooyinka dhici doona iyo sidoo kale in la sugo amniga, wuxuuna shacabka u jeediyey ineysan dhib u arag haddii ay xirmaan waddooyinka qaarkood.

“Guud ahaan dalka gaar ahaan dadka ku nool gobolka Banaadir, waxaan mar Labaad iyo Mar Saddexaad baaq ugu jeedinayaa iney nagala shaqeeyaan, arrimaha amniga iyo doorashooyinkaan sidii ay ku hirgeli lahaayeen, sidaas oo kale dadka waxaan ka rabnaa iney is dejiyaan, noo dulqaataan, samirkana nagu caawiyaan, samirkana wuxuu ka muhiimsan yahay wax walbo, waxa uu naga kaabayaa xagga niyadda, shaqada aan haysanana nagu dhiirogelinayaa oo naga kaabayaa in si sahlan doorashooyinka u qabsoomaan, sababta keeneysa in samirkaas iyo dulqaadkaasi idin ka codsano waxa weeyaan waxaa dhici karta in jidad gaar ah oo amniga doorashooyinka lagu sugayo aan u baahanno inaan xirno, maadaama jidadkaasi inaan xirno ay dhici karto dadka jidadkaasi isticmaali jiray iyo dhammaan shacabka gobolka waxaan ka codsaneynaa in arrintaasi dulqaad ka muujiyaan sidoo kalena inoo sabraan” Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir ayaa sidaasi yiri.

Dhowaan waxaa magaalada Muqdisho la filayaa iney ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimo ee dalka, iyadoo Booliiska gobolkana heegan u galay sidii uu amniga u xaqiijin lahaa.

Goobjoog News