U bood dhigaalka

Booliiska Hargeysa Oo Gacanta Ku Dhigay Waxyaabaha Maanka Dooriya

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ee maamulka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa waxa ay ku qabteen Waxyaabaha Maanka Dooriya, ka dib howlgal ay ciidamadu sameeyeen.

Cabdullaahi Fadal Iimaan oo ah taliyaha guud ee ciidamada Somaliland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Haregeysa ayaa sheegay inay qabteen Maandooriyaha xashiishka oo aad u badan, kadib markii lagu soo dhex qariyay gaadiidka Jaadka keena.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ciidamada oo qaba tababaro sare ay Xashiiska kasoo dhex bixiyeen jawaanno Jaad ah oo lagu soo dhex qariyay.

“Xashiishadaan aad arkeysaan waxaa loo soo sameeyay sidii Jaadka oo kale, waxaa lagu soo xiray Caowskii, Barkin kadibna bac ayaa lagu soo xiray, hase ahaatee ciidamada ayaa dareemay in waxani ay Jaad ka culeys yar yihiin, markii ay baareenna ay durba heleen Maandooriyahan, waxaan gacanta ku haynaa Hal nin oo baaritaan ku socda” ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Jaadka in ay iska ilaaliyaan Maandooriyaha lagu soo dhex qarinayo Jaadkooda, islamarkaana ay ogaadaana in Xashiiska uu dhibaato ku yahay Bulshada.

Dhinaca kale Taliye Fadal ayaa sheegay in habeen kahor howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan 2 qof oo tahriibinayay 46 qof oo dhallinyaro reer Somaliland ahaa, isaga oo sheegay in Labadaasi qof ay maxkamadda geyn doonaan.

Goobjoog News