U bood dhigaalka

Booliiska Jubbaland Oo Baaraya 5 Ruux Ajaaniib Ah Oo Ay Kasoo Badbaadiyeen Xeebta Kismaayo

Sheeko:Dalka

Taliska Booliiska magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aaddan Shan ruux oo ajaaniib ah kuwaasi oo laga soo badbaadiyey xeebta Kismaayo xilli dooni ay la socdeen cillad soo wajahday.

Dadkan oo dhammaantood sheegay inay u dhasheen Comoros ayaa waxay isku sheegeen inay yihiin badmaaxiyiin, waxaana markii la badbaadinayey ka muuqatay xaalad adag.

Saraakiisha Booliiska Jubbaland ayaa dadkaasi waxay degdeg ku geeyeen isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, waxaana loo sameeynayeen daryeel caafimaad iyo nafaqo celin maadaama badda ay muddo ku jireen.

Taliyaha ciidamada Booliiska Jubbaland Xasan Kheyre oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan ay baarayaan islamarkaana sidoo kale ay xaaladooda daweynayaan.

“Nimankaan iyaga oo doon saaran oo doontii aysan u shaqeyneyn tabcaanna ah ayaa markii Koowaad waxaa arkay nin Kalluumeysato ah oo doon wata, ninkii ayaa soo jiiday, ciidankeena ilaalinayey xeebta Kismaayo, lana socda amniga doomaha ayaa markiiba arkay, wey lasoo wareegeen nimankii tabcaanka ahaa waxay keeneen Isbitaalka oo dawo degdeg ah loogu sameeyay, meesha ayaana lagu ilaalinayey, waa 5 nin hadda wey wanaagsan yihiin waa dad soo daalay, weli wareysi dheer lama aanu yeelan” ayuu yiri taliyaha.

Raggan la hayo ayaa ku hadlaya Labo luqad oo kala ah Farasiiska iyo dalka ay kasoo jeedaan, waxaana ay warbaahinta u sheegeen in muddo badan ay kusoo jireen badda xaaladoodana ay ahayd mid taagan quus laakiinse ay hadda ku faraxsan yihiin in iyaga oo nabad qaba ay dad Soomaaliyeed heleen, waxaana ay sheegeen sidoo kale in loo sameeyay daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Goobjoog News