U bood dhigaalka

Booliiska Kenya Oo Ka Digay Weeraro Dalkaasi Ay Ka Fuliyaan Alshabaab

Sheeko:Dalka

Booliiska Dalka Kenya ayaa uga digay dadweynaha ku nool magaalooyinka Mombasa, Malindi iyo Nairobi  in ay ka feejignaadaan weeraro ay geystaan Xarakada Alshabaab.

Joseph Boinnet oo ah General Booliiska ka tirsan ayaa sheegay in Ciidankooda ay ka war heleen dhaqdhaqaaq ay wadaan Xarakada Alshabaab iyo in Xarakada ay damacsan tahay weeraro ay ku fuliso gudaha dalka Kenya.

Ninkan waxaa uu sheegayaa in Alshabaab ay khatar ku noqon karaan goobaha ku dhaw xadka Labada dal, oo laga yaabo in ay soo galeen iyaggoo iska dhigaya qaxooti.

Todobaadkii tagay qarax ayaa lala eegtay Booliiska Mandera, arrintan oo ka dambeysay markii weerar lagu dilay hogaamiyeyaal Alshabaab ah oo ay ku jiraan Mohammed Dulyadayn,

Lama oga inta ay la egtahay khatarta ay ka digayaan Booliiska Kenya, laakin waxaa jira in Alshabaab ay si joogta ah u weerarto gudaha Kenya.