U bood dhigaalka

Booliiska Kenya Oo Xiray Haween Soomaali Ah

Sheeko:Dalka

Boliiska dalka Kenya ayaa xiray qof haysta dhalashada dalka ingiriirska iyo Labo qof oo haween Soomaaali ah waxaana dadkaasi la xiray looga shakisan yahay inay tababarro siiyaan xarakada Al-shabaab islamarkaana u qoraan dagaalyahanada kooxda.

Sarkaal sare oo ka tirsan boliiska dalka Kenya ayaa xaqiijiyey xarigga dadkan isagoo intaas ku daray in hawlgal xooggan oo la fuliyey lagu soo qabtay dadkaan la tuhunsan yahay iyadoo muwaadinka Ingiriiska ah magaciisa lagu sheegay Tom.

Boliiska Kenya ayaa sheegay in goobtii laga soo qobtay Saddexdan qof laga heley waxyaabo ay ka mid yihiin qalabka lagu tababarto, buugaag, jaakadaha aan xabaddu Karin iyo Laptop-yo waxayna intaas ku dareen in arrintani ay keentay tuhunka.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa dhankiisa sheegay in muwaadinkan u dhashay dalka Ingiriiska uu ku noolaa dalka Kenya Saddexdii sano ee ugu dambeysay isagoo intaas sii raaciyey inuu marar badan safar ku tagey dalka Soomaaliya.

Agaasimaha waaxda dambi barista  dalka Kenya chief Ndegwa Muhoro kaasoo booqday guriga dadkaan laga soo qabtay ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeri ah bixiyo laakiin wuxuu ballanqaaday inuu si fiican u faahfaahin doono arrintan.

Dalka Kenya ayaa ku jira feejignaan dheeri ah marka la fiiriyo wararka la xiriira sirdoonka waxaana muuqata in weli dalkaasi uu beylah u yahay weerarada argagixisanimo.

Warbixin dhawaan ay soosaareen waddamada ku bahoobay IGAD ayaa lagu sheegay in xarakada Alshabab ay xoojisay ciidameynta haweenka, carruurta iyo dhallinyarada si ay dib ugu soo cusbooneysiiso awooddeeda ciidan ee sii yaraaneysa sida warbixinta IGAD lagu sheegay.

Goobjoog News