U bood dhigaalka

Booliiska Mareykanka Oo Ardey Asalkiisa Soomaaliya Ahaa Ku Dilay Ohio

Sheeko:Caalamka

Booliiska Mareykanka ayaa dilay ardey jiiritaan iyo Tooreyn isugu daray ardey ku sugnaa Jaamacadda Ohio, taasi oo keentay buuq iyo dhaawac 11 qof.

Mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka ayaa sheegaya in qofka dadka tooreyda la dhacay uu ahaa ardey asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya.

Ardeyga magaciisa waa Cabdirisaq Cali, waxaa uu ahaa 18 jir, Booliiska waxaa ay sheegayaan in gaarigiisa uu jiirsiiyay dhibanayaal badan, waxaa uu sidoo kale Toorey la dhacay qaar kale oo ardeyda ka tirsan ka hor inta aaney booliiska dilin.

Mid ardeyda ka mid ah waxaa auu sheegay in uu maqlay qeylo dhaan, isagoo intaa ku daray in ardeyga ay u kala cararayeen dhinac walbo.

Goobjoog News