U bood dhigaalka

Booliiska Mudug Oo Xal u La Dilalka La Xiriira Aanooyinka Qabiil

Sheeko:Dalka

Taliska Booliiska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in weli aanay xal u helin dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil, kuwaasi oo kusoo batay deegaannada gobolkaasi.

Maxamuud Cilmi Gulaafe, Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa Goobjoog News, u sheegay in dedaal badan ay sameeyeen balse weli aan xalka la helin.

Waxa uu sheegay dilalka la xiriira aanooyinka qabiil iney ku badanayaan dhulalka baadiyaha ah, isaga oo tilmaamay in dowladda dhexe ay wax ka qabashada arrintaasi ka gaabisay.

“Weli xal looma helin dilalka qabiilka la xiriira, Booliiska Labada dhinac wey wada shaqeeyaan, balse dowladda dhexe kaalintii looga baahnaa ayeey ka gaabisay” ayuu yiri Taliyaha.

Dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ayaa Todobaadyadii ugu dambeeyay waxay kusoo bateen deegaanno badan oo Mudug ah.

Goobjoog News