U bood dhigaalka

Booliiska Nugaal Oo Digniin Diray

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in aan la aqbli doonin dhallinyarada amni darrada ku wadda magaalada Garoowe ee gobolkaasi.

Xasan C/laahi Maxamed, taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Nugaal ayaa u sheegay warbaahinta in cid walbo oo ay kusoo qabtaan amni darro iney maxkamadda geyn doonaan.

Taliyaha ayaa u digay dadka waalidiinta ah ee ka daba-yimaada carruurtooda marka lasoo qabto iyaga oo shacabka dhibaya.

“Waxaan u sheegayaa reer Garoowe in wax dhib wada oo dadka dhaca laga ogolaaneyn magaalada, kaan qabanno waxaan ballanqaadeynaa inaan sii deyn, ninkii sharciga wax ka waayo waa lasii deyn, kii wax lagu helana waa la xukumi, waxaan u sheegayaa dadweynaha ciddii dambiile daba-joogta inaan u aqoonsan doonno inuu isaga soo dirsaday” ayuu yiri taliyaha.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa maalmahan dambe waxaa dhib ku hayey dhallinyaro dadka dhac iyo boob ku haya, iyadoo ciidamada ammaankana ay xoojiyeen howlgallada ay ammaanka ku sugayaan.

Goobjoog News