U bood dhigaalka

Booliiska oo Helay Gabar Muddo Maqneyd.

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta sheegay in gacanta lagu soo dhigay Amaal Nuur Cismaan oo ka maqneed qoyskeeda in muddo ah gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar) oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay dadaal dheer ka dib in ciidanka Booliiska ay ku guuleyteen in la soo helo maqane Amaal Nuur Cismaan, isaga oo sheegay in hadda ay bad qabto waxaana uu yiri” Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed aan la socodsiino walwalkii ay ka qabeen Hooyo Amran Xalane oo dhawaanahaan media aad uga soo muuqatay ayna ka maqneed gabadheedii aan anaguna aan balan qaadnay inaan gabadhaas aan raadineyno hadaan nahay ciidanka Booliska iyo laamaha amniga ”.

Sidoo kale Taliyaha Booliska oo hadalkiisa siiwato ayaa meesha ka saaray in gabadha ay hayeen ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo dhawaan gabadha hooyadeed ay ku eedeysay in ay hayaan waxaana hadalkiisii ka mid ahaa” Ciidamo kaxeystay iyo cid aragtay majirto waxaa gacanta ku haayey hey’ad daryeesha gabdhaha Soomaaliyeed ee dhaqancelinta loo keeno dalkaan (Central Development woman) waxaa ay ahaayeen afar gabdhood sedexdii kale waa la helay waxaa ay ka soo carareen xarun lagu haayey oo waxyeelo ay ka geysteen oo wax lagu baraayey kadib hey’addaas ayaa gacanta ku dhigtay ilaa hadda ayada ayaa gacanta ku heyso”.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xijaar ayaa carabka ku dhuftay in Booliska iyo laamaha amniga ay fuliyeen balantii ay ka qaadeen qoystaka Amaal iyo umadda Soomaaliyeed waxaana uu yiri “ Waxaan rabnaa Iney ogaadaan umadda Soomaaliyeed inaan fulineyno balantii aanu qaadnay oo aheyd inaan la dan qaneyno ciidanku howlgal badan ayuu sameeyey sidaas ayaan ugu bishaareynayaa umadda Soomaaliyeed “.

Ugu danyn Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ( Xijaar) ayaa xusay in Amaal ay tahay gabar ka weyn da’dii ay ku sheegtay oo aheyd 14 sano waxaana uu yiri “ Gabadhu waxaa magaceedu ahaa Amaal Nuur Cismaan hooyadeedna ay ku sheegtay 14 jir hase yeeshee 18 jir ah kana soo baxsatay xarumihii lagu haayey oo dhowr bilood ay ku jirtay iyada iyo sedex gabdhood oo kale sedexdii gabdhood waa la helay iyada ayaa maqneed waxaana gacanta ku haayey hey’ad la yiraahdo Central Development woman”.
Goobjoog News