U bood dhigaalka

Booliiska Oo Ka Warbixiyey Howlgallo Ay Ka Wadaan Jubbaland

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka booliiska ee Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo ay ka wadaan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland.

Taliyaha ciidanka Booliiska ee Jubbaland Korneel Axmed Naasir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay xaqiijinayaan amniga guud ee deegaannada Jubbaland.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in howlgalladan ay ku qabteen dad lala xiriirnayoi Al-shabaabnimo, balse aan weli caddeyn lagu hayn, baaritaanna ay ku wadaan.

Sidoo kale taliyaha ma aanu sheegin tirada dadka ay holwgalkaan kusoo qabteen.

“Habeen iyo maalin inaan soo jeedno waa lagu qasaban yahay, howlgalkuna waa mid socda oo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana ku raadineynaa ragga cadowga ah” ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada Jubbaland ayaa maalmihii dambe waxay xoojiyeen howlgallada ay ku xaqiijinayaan amniga guud ee deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News