U bood dhigaalka

Booliiska Oo Xiray Dhallinyaro Looga Shakiyey Kamid Ahaanshiyaha Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo sidoo kale duleedyada magaalada.

Zakiya Xuseen Axmed, taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigeen in ka badan 60 ruux oo looga shakisan yahay Al-shabaab iyo sidoo kale burcad dadka wax u dhimayey.

Waxay sheegtay Zakiya in howlgallada ay sameeyeen ay kaalin mug leh shacabka ka qaataan kadib markii ay ciidanka soo wargeliyeen.

Sidoo kale, shacabka ayeey ka dalbaday iney si xooggan ula shaqeeyaan ciidamada Booliiska si looga hortago falalka amni darri.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News