U bood dhigaalka

Booliiska Puntland Oo Digniin u Diray Dadka Tahriibka u Taga Boosaaso

Sheeko:Dalka

Taliska Ciidamada Booliiska ee maamulka Puntland ayaa u digay dadka la sheegay in magaalada Boosaaso ee gobalka Bari u tagaan inay kasii tahriibaan.

C/risaaq Afguduud oo ah taliyaha Booliiska Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in marnaba aan la aqbli doonin tahriib ka baxa deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay taliyaha in waayadii ugu dambeeyay ay ka war heleen dad u dhashay Itoobiya oo doonaya inay ka baxaan xeebaha magaalada Boosaaso.

“Tahriibku waa sharci darro, sharci baa ka yaalla, dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay caruurtiina ka ceshta tahriibka, sidoo kale waxaan leeyahay annaga tallaab baan ka qaadeyntaa ciddii aan aragnaa iyada oo tahriib ah ama dad sii wada” ayuu yir Taliyaha.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalka Bari inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sidii looga hor tagi lahaa dadka tahriibka ah.

Magaalada Boosaaso inta badan waxaa si dhuumasho ah uga tahriiba dhallinyaro la sheegay in ay usii gudbayaan dalka Yemen, Booliiska magaaladaasi ayaa badanaa sameeya howlgallo Tahriibka looga hortagayo.

Goobjoog News