U bood dhigaalka

Booliiska Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Ku Eedeysan Inuu Dhaawacay Dad Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliska magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa faahfaahiyay nin dad shacab ah dhaawacay oo ciidanku ay gacanta ku soo dhigeen.

Taliyaha Saldhigga dhexe ee Garoowe, Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan shaqsigii ka dambeeyay shaqaaqo habeenkii xalay ahayd ka dhacday magaaladaasi, kuna dhaawacmeen dad shacab ah.

Waxa uu sheegay taliyaha iney wadaan baaritaanno dheeraad ah, islamarkaana ay cadaaladda horkeeni doonaan shaqsigan ay hayaan.

Dhanka kale, taliye Fardafuul ayaa sheegay in amniga guud ee magaalada Garoowe uu aad u wacanyahay, islamarkaana Booliiska oo kaashanaya Shacabka ay shaqaqdooda haystaan ,balse ay jiraan dhallinyaro caadeystay dhaca taleefanada gacanta ah kuwaasi oo badankooda la xiran, qaarna lagu raad joogo.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa shacabka ku dhaqan Garoowe ka codsaday iney kala shaqeeyaan ciidamada Booliiska amniga iyo kala dambeynta.

Goobjoog News