U bood dhigaalka

Booliiska Puntland Oo Taageero Ka Dalbadey Madaxdooda

Sheeko:Dalka

Taliska Ciidanka Booliiska Putland ayaa taageero dhan walbo leh ka dalbaday madaxda maamulkaasi.

Taliyaha ciidankaasi C/qaadir Faarax Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Booliiska ay u baahan yihiin in laga caawiyo waxyaabo badan oo kamid ah agabka shaqo iyo sidoo kale iney helaan wax walbo oo ciidan Booliis u baahan yahay.

Tababaro ayuu sheegay taliyaha iney u baahan yihiin ciidanka Booliiska Punland si sare loogu qaado aqoonta ciidamada waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan dalbaneynaa in Booliiska la gacansiiyo, marxalad adag bay ku shaqeynayaan, haddii aaney shacabka gacan ka geysan shaqada ciidanka Booliiska Yoolka la rabo lama gaarayo, sidoo kale waxaan ka codsaneynaa in dowladda Puntland gaar ahaan madaxda dowladda iney gacan naga siiyaan wax walbo oo Booliiska u baahan yihiin si shaqadooda ay u sahlanaato, haddii aanu helin shaqada nalaga doonayo nalagama helayo” ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa marxalado kala duwan soo maray, hadda waxay helaan Tababaro walow sidii loo baahnaa aaney ahayn.

Goobjoog News