U bood dhigaalka

Booliiska Somaliland Oo Ka Hadlay Nin Loo Xiray Sheegashada Magaca Siilaanyo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ee maamulka Somaliland ayaa wada baaritaan ku aadan macallin la sheegay inuu sheegtay magaca Madaxweynaha maamulkaasi.

Macallinkan ayaa lagu magacaabaa Axmed Maxamed Maxamuud, waxaana u raacsan Siilaanyo, taasi oo keentay in xabsiga la dhigo, waxaana uu wax ka dhigaa dugsiga gaarka loo leeyahay ee Nuuradiin.

Taliyaha ciidamada Booliiska Somaliland Jeneraal C/laahi Fadal Iimaan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Booliiska ay weli ninkani baaritaan ku wadaan.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in shaqsigan uu bedalay naaneystii Siilaanyo markii uu ogaaday in xaaladdu ku xumaatay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Macallinkan dambig aynu ku haysanno waa kaliya sheegashada magaca Siilaanyo, qof walbo dambi waa uu galaa, isaga dambiguusa waa intaas, Booliisku markii ay baaritaankaasi ku bilaabeen islamarkii waa uu bedalay oo waxa uu ku bedalay Xadi, hadaba isaga ayaa is caddeeyay oo sheegtay magaca aanu lahayn” ayuu yiri Taliyaha.

Arrintan ayaa ah mid ay aad iyo aad u hadal hayaan shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa, iyadoo tani ay noqotay markii ugu horreysay oo ay ka dhacdo deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News