U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo Ka Warbixiyey Qaraxii Muqdisho Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Waxaa faahfaahin laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday maqaayad ku taallo degmada Xamar jababa, gaar ahaan meel u dhow School Plusia, kadib markii uu ku qarxay ruux soo xirtay walxa qarxa.

Waxaa  qaraxaas ku geeriyooday 5 qof ayaa dhimatay, uu ku jiro ruuxii ismiidaamiyey, halka 8 kalana uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo loo qaaday gooboha caafimaadka.

Kornayl Sadiiq Aadan Cali Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahitna ayaa sheegay in falka ka dhacay goobta maqaayadda uu ka dambeeyay qof naftii hure  ah oo isku soo rakibay waxyaabaha qarxa,

“Naftii haligaha waxa uu galaaftay nolosha shan qof oo rayid ah iyo isaga oo lix ku ah, waxaana ku dhaawacantay ilaa iyo 8 qof, ciidanka booliska ayaa gar gaar caafimaad u fidiyay dadka shacabka ah ee waxyeelada ka soo gaartay” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliska.

Goobjoog News