U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo Sheegay in Muqdisho Lagu Dilay Xubin Al-shabaab ah

Sheeko:Amniga

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Muqdisho lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab sida ay hadalka u dhigeen, kadib markii Booliiska oo Roondo ka waday xaafado ka tirsan degmad Hilwaa ee gobolka Banaadir ay ciidanku dil u geysteen, isaga oo isku dayay inuu weeraro Ciidankaas.

Ciidanka ayaa sheegay in si kadis ay ula kulmeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo weerar u qorsheynayay in ay ku qaadaan ciidankii ku jiran Roondada amniga lagu xaqiijinayay, dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay aaga Baar Jowhar xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa ee gobolka Banaadir.

”Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Boliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada” ayaa lagu yiri qoraal  kasoo baxay Booliska.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho degmooyinka qaar ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca tooogasho ciidanku ay ku dilaan xubno ka tirsan Al-shabaab, halka dhankooda ay mararka qaar fuliyaan weerarro iyo dilal qorsheysan oo lagu  xubno ka tirsan ciidanka iyo dowladda lagu bartilmaameedsado.

Goobjoog News