U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo Soo Qabtay Burcad iyo Hub

Sheeko:Amniga

Taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah burcadda ka bilaabay magaalada Muqdisho ayaa habeenimadii xalay gacanta ku soo dhigay koox dhalinyaro ah oo dhac u gaysanaysay dadka shacabka ah iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Howlgalka ciidamada oo laga fuliyay degmooyinka gobalka Banaadir ayaa lagu soo qabtay Hub, waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii isticmaalayay.

Afhayeenka Booliiska gaashaanle  Cabdifitaax Aadan Xasan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad dhac ka gaysanayay xaafadaha magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu gacanta ku dhigay walxaha maanka-dooriya oo aasaas u ah amni darrada & in qofka uu ku fakiro in uu dhibaateeyo Muwaadin Soomaaliyeed, Laamaha ammaanka waxaa ka go’an in ay gacanta ku dhigaan burcadda iyo Dadka kale dhibaatada u geysanaya Shacabka” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliiska.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay in waalidiinta ay carruurtooda dadka dhaca u gaysanaya ay ceshadaan, haddii la soo qabtana lala tiigsan doono sharciga.

“Ma aqbali doonno in Mooto laga helo Baangad ama Mindi xiliyada habeenkii, sidoo kale ma aqbali doonno in waalidiinta ay ka daba-tagaan Dhallaankooda iyaga oo aanay markii hore ka celin in ay qaataan, Cid kasta oo lagu arko qori sharci darro ah waxa uu Booliiska ka qaadi doonnaa tallaabo Sharci ah” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Booliiska.

Waxa uu intaas hadalkiisa ku sii daray afhayeenka “Waxa aan gacanta kusoo dhignay Khamriga Gudaha & Dibadda oo si qarsoodi ah Muqdisho loosoo geliyay, hub sharci darro ah oo aan diiwaanka ku jirin & rag watay oo aanay kamid ahayn Ciidamada DFS ayaa soo qabanay waxaana u gudbineynaa Maxkamadaha awoodda u leh in ay kiiskaan galaan”.

Ciidamada booliiska gobalka Banaadir ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah kooxaha falalka amni darada ah ka gaysta gudaha caasimadda.

Goobjoog News