U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliyeed oo Soo Saaray Tirakoobyo Dambiyadii Dalka Ka Dhacay Sanadkan

Sheeko:Dalka

madaaleIyada oo dhawaan loo dabaaldagay sanad guuradii 71 markii la asaasay ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu booliska soo saaray warbixin ay ku jiraan tirakoobyo dambiyadii dalka ka dhacay iyo hawlihii ciidanka booliska u qabsoomay.

Warbixinta oo lagu beegey xuska 71 guurada ayaa waxaa jeediyey taliyaha booliska gobolka Banaadir Jeneraal Maxamed Cumar Madaale.

Booliska sanadkani waxa uu qaatay 42 tababar, 950 askari oo cusubna waa ay qoratay, iyada oo tababarka iyo qalabaynta ay bixiyeen wadamo dhawr ah sida Japan, Talyaaniga, Maraykanka iyo Turkiga iyo kuwa kale.

Wadarta guud ee dambiyada dhacay ee la diiwaangaliyey waxa ay dhanyihiin 6130 dambi, 2041 ka mid ah waa dambiyada caadiga ah.

88 miino ayaa guud ahaan qaraxday, 18 qof ayaa ku dhimatay, 71-na waa ay ku dhaawacmeen.

26 miino ayaa oo lagu rakibey baabuurta ama baalooyinka leerarka ayaa qaraxday, 10 qof ayaa ku dhimatay, 33 qofna waa ay ku dhaawacmeen.

Waxaa dhacday 16 qaraxyada ismiidaaminta, 120 qof ayaa ku dhimatay, 179 qof ayaana ku dhimatay.

40 bambooyinka gacanta ayaa la tuurey, hal qof ayaa ku dhintey, 36 qofna waa ay ku dhaawacmeen.

Haraaga walxaha qarxa ee la heleu waxa ay dhanyihiin 3229 , 749 ka mid ah ayaa la burburiyey.

129 qof ayaa laga badbaadiyey xeebta Liido, 8 qof ayaa ku dhimatay, 17 qof ayaana ku dhaawacantay.

Baabuurta la baaro maalmaha jimcada waxa ay gaarayaan 5341 baabuur, dhamaantood waxbo lagama helin.

Maadaamaa booliska hawlihii ay ka midyihiin canshuuro uruurinta, wadarta canshuurta booliska soo uruuriyey waxa ay dhantahay 55 malyan, 77287 doolar, taasi oo kasoo xarootey garoonka Muqdisho, iyo dekada iyo meelo kale, shilin Soomaali ahaan waxa ay dhantahay 13 bilyan, 850 milyan iyo 600 kun oo shilin .

Taliyaha Gobolka Banaadir Jeneraal Madaale ayaa sheegey in isbadalka ciidamada booliska dhexdiisa ay ka mid tahay in taliyaha booliiska degmada Shangaani loo magacaabay haweeneey lagu magacaabo Labo Xidigle Sahro Cali Xassan.

Dhageyso

Goobjoog News