U bood dhigaalka

Booliska dowladda Federaalka oo ka digay dibad baxyo ka dhaca Baydhabo

Sheeko:Dalka
Baydhabo
Baydhabo

Taliska booliska magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa ka digay dibad bax rabashado geysta oo ka dhaca gudaha magaaladaasi.

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka dhaco dibad bax ay ku dhawaaqeen maamulka lixda gobol ee koofur galbeed.

Taliyaha booliska Kornel Mahad Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay xaqiijinayaan amniga isla markaana magaalada uusan ka dhici karin wax dibad bax ah.

Horay ayaa magaalada Baydhabo waxaa uga dhacay dibad baxyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo dad shacab ah soo gaaray.

Baydhabo ayaa marti u noqotay xiisado siyaasadeed kadib markii magaalada looga dhawaaqay labo maamul oo is bar bar socda.